2247 Views

C/raxmaan C/shakuur oo ka horyimid hadal ka soobaxay Maxkamada Racfaanka

C/raxmaan C/shakuur oo ka horyimid hadal ka soobaxay Maxkamada Racfaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 3, 2018 – C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka soo hor jeestay dhammaan go’aanadii maanta ka soo baxay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

Shirkan jaraa’id ayuu ku cadeeyay C/raxmaan C/shakuur in uusan aqbalayn go’aanka ka soo baxay maxkamada racfaanka isagoo madaxtooyada ku eedeeyay in ay ka dambeyso dilalka qorsheysan iyo maxkamadeynta siyaasiyiinta ka aragti duwan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdishakur ayaa sheegay in dhammaan go’aanka ay gaartay Maxkamada Racfaanka uu yahay sharci darro.

Waxana uu xusay in garsoorka dalka uu iska indho tirey dil loo geystay shan ruux oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo uu ku sheegay in ay ilaalo u ahaayeen iyo qof kale oo rayid ah 17kiibishii December ee sanadkii hore xilli habeenimo oo ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay is dejiyaan. “Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo taageerayaashaydaba in ay is dejiyaan cid nooga adkaan karta ma jirto sharciga, sharciga ayaa cid kasta ka sareeya.”ayuu yiri Warsame.

Xaalad siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya ayaa gashay marxalad aad u adag waxaana isa soo taraya Baaqyada ka soo baxaya waxgaradka iyo siyaasiin xal doonka ah.

.

Xafiiska Wararka  | Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment