4260 Views

Maxkamada Racfaanka, Maxkamadda G/Banaadir iyo kiiska Cabdirahman Cabdishakuur

Maxkamada Racfaanka, Maxkamadda G/Banaadir iyo kiiska Cabdirahman Cabdishakuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 3, 2018 – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xarunta uu ku leeyahay Muqdisho ayaa isna ku gacan seyrey dhammaan go’aanadii maanta ka soo baxay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa. Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto.

Cabdirahman Cabdishakuur “Waxaan cadeynayaa inaan aqbalsanayn go’aanka ay maxkamadu maanta ku siisay xeer ilaalinta muddo sagaashan casho ah taasoo xeer ilaalintu ku dooneyso inay ku soo dhoodhoobto waxyaabo been abuur ah, waxaana cadeynayaa in la gaari doono maalin lala xisaabtami doono dhamaan xafiisyada haysta awooda ku takrifalaya, sida xafiisyada garsoorka iyo kuwo fulintaba.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.

Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay is dejiyaan.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo taageerayaashaydaba in ay is dejiyaan cid nooga adkaan karta ma jirto sharciga, sharciga ayaa cid kasta ka sareeya.”ayuu yiri Warsame

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment