2994 Views

Damaca Imaaraadka ee Koofurta Yemen iyo Koofurta Soomaaliya!

Damaca Imaaraadka ee Koofurta Yemen iyo Koofurta Soomaaliya!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2018 –Siyaasadda Dowladda Imaaraadka Carabta; ee Waddamada tabarta yar, waxaa ay u muuqataa mid uga faa’deysaneyso si ay uga hesho danaheeda gaarka ah.Siyaasadda Dowladda Imaaraadka Carabta; ee Waddamada tabarta yar, waxaa ay u muuqataa mid uga faa’deysaneyso si ay uga hesho danaheeda gaarka ah.

Dalalka Soomaaliya iyo Yemen waxaa ay ka mid yihiin Waddamada Jaamacadda Carabta,haddana waxa lagu tiriyaa kuwa ugu taagta daran,marka laga eego dhinaca dowladnimada iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed.
Dowladda Imaaraadku waxa ay Sucuudiga sanadkii 2015;kii la gashay dagaalkii loogu yeeray Duufaanta ee lagu qaaday Yemen,markii Xuuthiyiintu qabsadeen inta badan Waqooyiga Yamen.Sucuudiga oo ka didsan Shiicada ayaa sameeyay isbahaysi ay Soomaaliya qayb ka tahay, kaas oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Yamen ayeeshee waxa kala duwan kaalinta iyo ujeeddooyinka labada dal Sucuudiga iyo Yemen ee ku wajahan Jamhuuriyadda Jabtay ee Yemen; waxaana u dhaxeeya farqi weyn.
Sucuudigu; waxa uu sameeyey Isbahaysi, waxa uu isku duba riday Waddamada howlgalka kala qeybgelaya oo uu Imaaraadka ka midyahay,kuwaas oo shaqadoodu tahay in Xuuthiyiinta Cirka laga duqeeyo oo aan dhulka la tagin, balse Imaaraadka ciidan Milatari ah ayaa ka joogaa dhulka Yemen; gaar ahaan Koofurta oo ay Cadan ugu horreyso.Waxa ay sameeyeen Golaha KMG ah ee koofurta Yemen (STC),waxaana ay u dhiibeen Nin lagu magacaabo Caydaruus Al Zubeydi .Al Zubeydi;

Gaashaanle-Sare-Cayduruus-Azubeydi

Waxaa ay u tababareen Ciidamo farabadan oo gacanta ku haya maamula Koofurta Yemen,waxa uu maamulaa dhamaan maamulka Xarumaha dowliga ah ee Koofurta oo ay ka talin jirtay Xukuumaddii dibad joogga ahayd ee Cabdu Rabbuu Mansuur Haaddi, Al Zubeyddi; waxa uu ka mid ahaa dowladdii Haaddi ee Xuuthiyiinta u diiday Cadan,waxaana Al Zubeydi iyo Wasiiru dowlihii Madaxtooyada la eryay kaddib markii dowladda Cabdu Rabbu; ogaatay in ay xiriir la leeyihiin Imaaraadka islamarkaana damacsanyihiin afgambiga hadda dhacay.
Imaaraadku waxa ay diideen in Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Cadan ay ka degaan xubnaha taageersan Cabdu Rabbu Mansuur,waxaana dadka loo diiday ka degidda garoonka iyo adeegsiga dekedda ka mid ahaa wiilka Cabdu Rabbu Mansuur, sidaas awgeed Cabdurabu Mansuur; ayaa Xukuumadda Dubai ku eedeeyay in ay u dhaqmayaan sida dowlad gumeysi ee aysan u dhaqmeyn sida Dowlad caawinaad.
Al-Zubeyddi; waxaa lagu eedeeyay in uu lacag iyo Ciidan badan ka helay Imaaraadka si ay u la wareegto Jasiiradda ﺟﺰﺭ ﺳﻘﻄﺮﻯ ee Yemen iyo Soomaaliya ay ku muransanyihiin,taas oo u dhaxeysa Badweynta Hindiya iyo Dekadda Cadan.

جزر-سقطرى

Imaaraadku labadii Sano ee la soo dhaafay waxa uu la wareegay dekado ku yaalla
Liibiya,Eritrea iyo Soomaaliya, waxa uu doonayaa in dekadahaas aysan tartan la gelin dakaddiisa Jabal Cali; oo adeegsiga ugu badan hadda lagu sameeyo.Sidoo kale ujeedada 2;aad ee Imaaraadka ka leeyahay Yemen ayaa ah in Koofurta ka dhalato dowlad Madaxbanaan oo Imaaraadka xulufo la ah,waxaana socda qorshe lagu sameynayo Baarlamaan arrintaas go’aamin kara oo ka kooban 300 xubnood kuwaas oo ay soo xuli doonaan Golaha KMG ah ee Koofurta Yemen.
Dhinaca Soomaaliya, waxaa ay si uun uga duwan tahay Yementa koofureed, sababta oo ah Imaaraadka Saraakiisha Ciidanka ka jooga Soomaaliya waxa ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya,waxaana ciidamadaas la sheegay dhowr jeer in aysan daacad u ahayn dowladda Federaalka ah islamarkaana ka amar qaataan talisyo kale.12; kii October 2017; waxaa xilka taliyaha Ciidanka xoogga dalka iska casilay Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid),iyada oo dood badan ka taagneyd is casilaaddiisa iyo waxyaabaha sababay ayaa Xildhibaan ka tirsan aqalka sare sheegay in Taliyuhu isu casilay kaddib markii Ciidamada Imaaraatku tababaray loo diiday in ay isaga ka amar qaataan.
Waa ciidan hubeysan howlgallana ka fuliya Muqdisho,wixii ugu dambeeyay ee ilaa hadda taagan waxa ay tahay howlgalkii laga fuliyay Guriga Sanator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo warar la isla dhexmarayo sheegayaan in ay fuliyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray.Madaxtooyada ayaa amar ku bixisay in la xiro Saraakiisha iyo Ciidamadii weeraray Guriga Sanatar Cabdi,waxaana dowladdu sheegtay in 4;0 Askari iyo saraakiilba xirtay, hayeeshee ilaa hadda dowladdu ma sheegin cidda amarka bixisay!.
31;dii December 2017; Wargeyska al-sharq.com, ayaa qoray in Imaaraadku boqolaal Ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay Colombia iyo Nepal dejiyay Dekadda Berbera si ay danihiisa dhinaca amaanka ah uga fuliyaan Waddamada deriska ah,si la mid ah Imaaraadku; waxaa uu tababarro siiyaa Ciidamada gaarka ah ee dowlad Goboleedyada,waxaana tababarradaas qaata Sharikadda FSG (Frontier Services Group), oo ay leeyihiin milkiilayaasha Sharikadda amaanka ee Black Water.
Muqdisho waxaa ka howl gala sharikado badan oo dhinaca amaanka ah,kuwaas oo ajaanib iyo Soomaaliba ay leeyihiin,haddana si rasmi inta badan dadweynaha caadiga ah si dhab ah ugama warhayaan howlaha ay qabtaan,waxaana Magaalada lagu arkaa Ciidamo dhar iyo gaadiid kala duwan wata oo uu u muuqada sida in ay bixiyaan adeeg dhanka nabadgelyada ah ( Security Service )
Bishii November-2017; Ciidamo ku dhow 400; oo askari oo uu tababaray Imaaraadku ayaa Muqdisho tababar loogu soo xiray, waxaana la wareegay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre; ma hubo in Ciidankaas lagu daray Milatariga Soomaaliya iyo In ay wali gooni u degganyihiin.Dowladda Soomaaliya waxaa ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida ah ku dhaliishaa in ay lacag ka helaan Dowlado shisheeye islamarkaana dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya; dowaladahaas waxa kamid ah Isutagga Imaaraadka Carabta, hayeeshee dowladdu si toos ah uma abaarto.Sidaas daraadeed ma tahay in xukuumaddu jawaab ka bixiso su’aalo ay kamid yihiin:-
1. 40;ka Askari ee weeraray Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid yaa tababaray?
2. Hubka iyo dereyska yaa siiyay?
3. Yey ka amar qaataan?
4. Haddiiba ay dhab tahay in xukuumaddu xirtay, iyada ayay ka amar qaataan, oo waxa ay kamid yihiin ciidamada Soomaaliya?
5. Yaa bixiya dhaqaalaha ay ku howlgalaan?
6. Waa maxay faraqa u dhexeeya ciidanka Imaaraadku ka sameystay koofurta Yemen iyo kand uu ku haysto koofurta Soomaaliya?
7. Awood intee la eg ayay xukuumadda Soomaaliya u leedahay in ay hab diblomaasiyadeed isaga maareyso Qorshaha Imaaraadka oo laga yaabo in uu leeyahay dhaqangal dhinacwalb?

– Jasiiradda Suqdare waxa ay ku taal meel muhiim ah ahna istiraatiiji, waa halka ay badweynta Hindiya uga darmaann Badda Carbeed, Baabul Mandab; dhinaca xeebaha Mukalla, koofurta Yamen 300;km; Xeebaha Soomaaliyana 80; km

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment