2247 Views

Dowladda ”waxaa isa soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab”

Dowladda ”waxaa isa soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 05, 2018 – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Soomaaliya uu isu soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan dagaalamayaasha A-shabaab ee gobalka Gedo.

Sarkaal ayaa la sheegay in uu iska dhiibay degmada Doolow ee gobalka Gedo, waxaana magaciisa ay Dowladda Soomaaliya ku sheegtay Aadan Ibraahim, waxa uuna watay Qori Ak-47 ah, lama sheegin in ay dagaalamayaal kale la socdayn.

Aadan Ibraahim, waxa uu kamid ahaa Saraakiisha Al-shabaab ee dhinaca Maaliyadda gaar ahaan (Zakawaadka) iyo Howlgalada lugta ah ee lagu qaado Fariisamaha ciidamada Dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada, sidoo kale waxa la sheegay in uu ka qeyb qaatay Howlgalo badan oo lagu weeraray AMISOM.
Aadan Ibraahim ayaa sawirro laga soo qaaday waxaa ka muuqday Diif iyo Daal fara badan, iyada oo loo maleynayo inuu soo galay safar dheer, sidoo kale wuxuu watay Darees Ciidan iyo Qori AK-47 ah.

Aadan Ibraahim, ayaa mar uu ka hadlayey sababihii uu isku soo dhiibay, waxa uu sheegay in Al-shabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, sidoo kalena uu kala kulmay dhibaatooyin fara badan.

Wuxuu sheegay sidoo kale inuu isa soo dhiibo in ay ka dambeysay kadib markii uu maqlay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markale Cafis u fidiyey dhalinyaradda ka tirsan Shabaab.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment