5310 Views

Puntland oo faahfaahisay socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Garowe.

Puntland oo faahfaahisay socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Garowe.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 05, 2018 – Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku jira qaban qaabadii ugu dnabeysay ee Safaro uu ku soo marayo qaar kamid ah Gobolada Somaliya.

Magaalada Garoowe oo ah halka ay ka bilaabaneyso Socdaalkiisa ayaa waxaa ka socota diyaar garoowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweynta Wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo ay qeyb ka noqonayaan Xildhibanada labada Aqal qaarkood, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Saraakiil kale.

Garoowe waxaa shalay gaaray Xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano horu dhac u ah booqashada Madaxweynaha, waxeyna xalay kulamo la qaateen Madaxda Puntland oo ay ka wada arinsadeen qaabka ay udhaceyso soo dhaweynta Farmaajo iyo amniga meelaha uu booqanayo inta uu Garoowe joogo.

Qorshaha ayaa markii hore ahaa in Wasiirkii arimaha gudaha Somaliya ee Khamiistii xilka laga qaaday qaban qaabiyo Socdaalka Madaxweynaha balse shalay ayaa laga daba diray wafdi kale maadaama isaga xilka laga qaaday Booskiisana Nin kale loo magacaabay.

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland oo xubin ka ah Guddiga Madaxweyne Gaas uxilsaaray soo dhaweyntaMadaxweyne Farmaajo ayaa Saxaafada Garoowe ugu sheegtay in socdaalka Farmaajo la xiriirta sidii uu xariga uga jari lahaa Garoonka Magaalada Garoowe oo la casriyeeyay iyo inuu ka qeybgalo Munaasbaada lagu weyneynayo doorashadii gaas oo ku asteysan 8 January.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa sida qorshuhu yahay inuu Garoowe gaaro maalinimada Axada oo ay taariikhdu tahay 7-da January, waxaana aad loo adkeeyay amniga guud ee Garoowe iyadoo Puntland ciidamo dheeraad ah banaanka usoo saartay.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Somaliya ayaa Mustaqbal usheegay in madaxweyne Farmaajo socdaalkiisa Garoowe kadib uu soo mari doono deegaanada Galmudug iyo meelaha ay joogaan Maamulkii Ahlu-Suna ee markii dnabe ku biiray Galmudug.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tago qeybo kamid ah deegaanada Puntland isagoo horay ugaaray Gobolada;Sh.Hoose,Jubada Hoose, Baay iyo Galgaduud.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment