2118 Views

Farmaajo Oo Barito Ku Wajahan Garoowe

Farmaajo Oo Barito Ku Wajahan Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 06 , 2018 –axamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta berri uu safar ku tago Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland,iyadoona qaban Qaabadii ugu dambeysay ay ka socoto Magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safarkiisa waxaa uu ku qotomaa in uu xarigga ka jaro Garoonka cusub ee Diyaaradaha Garoowe oo dhismahiisa la dhameeyay iyo in uu Magaalada Garoowe uga qeybgalo munaasabadda 4 sano guurada xilka Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo la doortay 4 Sano ka hor 8 ddii January.
Amaanka Magaalada garoowe ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland,kuwaasi oo baaritaano ku sameynaya gaadiidka iyo Dadka Shacabka ah.
Wararka qaar ayaa Sheegaya in Diyaaradda Madaxweynaha Soomaaliya ay noqon doonto midda ugu horreysa ee Garoonkaas caga dhigata,iyadoona safarkiisa ay ku wehlinayaan Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha la Soco inshaa Allaah

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment