3354 Views

Fanaanada Nakruma Iyo Weriye Luul Cali Xasan Oo Sanado Badan kadib Booqday Radio Muqdisho

Fanaanada Nakruma Iyo Weriye Luul Cali Xasan Oo Sanado Badan kadib Booqday Radio Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 07, 2018 –Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalkiisa C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng: Yariisow iyo Masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyey Fanaanad Faadumo Cali Jaamac Nagruuma iyo Luul Cali Xasan Luula oo kamid aheyd Wariyaashii hore ee ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho.

Intii uu socday kulanka lagu soo dhaweynayey oo sidoo kale ay ka qeyb galeen Madaxda Kooxda Fanka ee Waabari iyo Faniiniintaba, ayaa waxaa ay ka sheekeeyeen xilliyadii kala duwaanaa ee ay soo mareen, waxaana ay sheegeen inay aad ugu hiloobeen dalkooda oo muddo badan banaanka ka joogeen.

C/kariim Faraax Qaarey Maareeye ku xigeenka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in tani muhiim gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Fanaanada Qaranka Faadamumo Cali Nagruuma ayaa dhankeeda sheegtay inay Muddo badan ku maqneyd dalka dibadiisa, balse aad ayay ugu faraxsan tahay inay maanta ku sugan tahay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya.

“Ujeeda aan u nimid halkaan waa in aan dadkeena tusno in dalkeenu nabad yahay, waxaana allah ka baryaa dalkeena oo wanaagsan iyo Soomaaliya oo dadkeedu iswada raacsan yahay”
Luul Cali Xasan Luula oo ka mid aheyd Hal-dooradii Radio Muqdisho ayaa sheegtay in aan marnaba farxadeeda la qiyaasi karin, ayna joogto meeshii ugu horreynteedii ay shaqo ka bilowday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa C.raxmaan Cumar Cismaan oo soo dhaweeyey Fanaaniinta ayaa tilmaamay inay aad u soo dhaweynayaan Faaduma Nagruuma iyo Luul Cali Xasan, kuwaas oo muddo badan aanan arkin Soomaaliya, balse hadda jooga gaar ahaan Xaruntii ay ka howlgali jireen.

“Waxaan idinku soo dhaweynaa Wasaaradda Warfaafinta oo aad shaqo badan ka soo qabateen xilligii aad ka shaqeyn jirteen, waxaad soo marteen waqti badan aad u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhibaato badan hadana waxaan ku soconaa waddadii aan kaga soo kabso laheyn, waxaana rajeyneynaa in aad qeyb ka qaadataan arrintaas.

Intaas kadib Faadumo Cali Jaamac Nakruuma iyo Luul Cali Xasan Luula ayaa soo arkay qeybta Keydka ee Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Radio Muqdisho iyo Tv-ga Qaranka.

 

 

c7 c1 c2 c4 c6

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment