2058 Views

Wariyeyaal Lagu Xukumay Boorama

Wariyeyaal Lagu Xukumay Boorama
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 07, 2018 –Laba suxufi oo ka mid ah saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa maanta Maxkamad ku taalla magaaladaasi ku xukuntay midkiiba laba sanno oo xarig ah.

Labada Wariye ee xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Diiriye Ciiltire oo ka tirsan TV-ga SBC iyo Maxamed C/laahi Xuseen (Dabshid) oo isaguna ka howlgala TV-ga Kalsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal C/raxmaan Geeddi Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay labadan suxufi ee la xukumay in ay ku cadaatay faafinta warar been abuur ah.

“Kolley waxaa maanta la xukumay labadan Wariye, waxaana lagu xukumay laba sano oo xarig ah, dacwadda sidaas ayay ku dhamaatay oo mudo soo socotay, Racfaan ayay qaateen, sidaasi waxay ugu wareegtay Maxkamadda Racfaanka.” Ayuu yiri Guddoomiye C/raxmaan Geeddi Rooble.

Qareen Abuubakar Sheekh Maxamuud oo ah Qareenka u doodayay labada wariye ayaa sheegay Afarta qodob ee Maxkamadda la keenay in Wariyeyaasha aysan ku kicin, xukunka lagu ridayna uu yahay mid sharci daro ah, ayna ka qaateen Racfaan.

Inta badan Maamulka Soomaaliland ayaa falal ku gardaroosho ah kula kaca dadka caanka ah gar ahaan Wariyeyaasha iyo Fanaaniinta, waxaana Soomaaliland xukunada ay ku rido Wariyeyaasha u muuqdaan kuwo hal dhinac ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment