2094 Views

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibada Oo Muqdisho Soo Gaaray

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibada Oo Muqdisho Soo Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 07, 2018 – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in maanta lagu dhaariyo Wasiirka iyo sidoo kale labo Wasiir oo kale.

Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda.
Saddexda wasiirka ee dhowaan la magacaabay ayaa lagu wadaa in la dhaariyo berri oo ah Isniin 8da bisha Janaayo 2018.

 

3

1

2

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment