2583 Views

Sawiro:–Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Oo Xilka la Wareegay

Sawiro:–Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Oo Xilka la Wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 08, 2018 – aflad uu xilka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Khadro Axmed Ducaale iyo wasiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradaas Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradaasi.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ra’’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,Wasiirka wasiir kuxigeenka,Wasiiru Dowlaha xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Khadra Axmed Ducaale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa faah faahin ka bixisay ugu horeyn waxqabadka Wasaaradda mudadii ay xilka haysay,waxaana ay sheegaty in ay ku guuleysatay howlo badan oo horyaalay Wasaaradda,waxayna ugu mahadcelisay dhamaan mas’uuliyiintii la shaqeysay mudadii ay xafiiska joogtay dowrkii ay ku lahaayeen dardargelinta howlaha Wasaaradda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahadceliyay Wasiir Khadra waxqabadkeeda,isagoo balanqaaday in uu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa waa jibaadka loo igmaday.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa ku ammaanay Wasiirka hore ee Wasaaradda Ganacsiga Marwo Khadro Axmed Ducaale,gudashada Waajibaadkeeda shaqo,wuxuuna dhanka kala kula dardaarmay Wasiirka cusub Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu waajibaadkisa uu si hufan u guto.

7 1 3 4 5

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment