2016 Views

War-Murtiyeedka Shirka Wadatashiga, Gorfeynta Khilaafaadka iyo Horumarinta Nabadda ee Degmooyinka Gobolka Gedo

War-Murtiyeedka Shirka Wadatashiga, Gorfeynta Khilaafaadka iyo Horumarinta Nabadda ee Degmooyinka Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Doolow | 08 January, 2018 – Qeybaha kala duwan ee bulshada, oo muddo 5-maalmood ah ku shirayay degmada Dooloow, ayaa soo saaray go’aanno ku aadan xalinta khilaafaadka, nabadda iyo dib u heshiisiinta degmooyinka ay matalayeen ee gobolka Gedo.

Shirkan, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, oo uu horkacayay wasiir ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, iyadoo uu shirka furay Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan, oo ku guubaabiyay ka qeybgalayaasha in ay ka faa’iideystaan oo fikirkooda ku darsadaan casharada iyo doodaha la xiriira xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta.

Shirkan, waxaa kaloo ka qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qadi, Guddoomiyayaasha iyo Ergooyinka ka kala socday degmooyinka Baardheere, Luuq, Dooloow, Beled-Xaawo iyo Ceel-Waaq.

Ka qeybgalayaasha shirka Wadatashiga, Gorgeynta Khilaafaadka, Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta, waxay ka doodeen qodobada hoos ku qoran:

Waayaha Nabadda iyo Khilaafaadka dalka ka jira.
Xalinta Khilaafaadka iyo Dib u heshiisiinta: Dhaqanka Soomaalida.

  • Xalinta Khilaafaadka iyo Dib u heshiisiinta: Diinta Islaamka.
  • Qorshaha Dhisidda Golayaasha Deegaanka ee heer Degmo.
  • Xalinta Khilaafaadka iyo Dib u heshiisiinta: Kaalinta Haweenka.

Ka qeybgalayaasha, ayaa kulammo gaargaar ah ugu lafoguray qaababka xog uruurinta khilaafyada heer degmo, tiirarka iyo kaabayaasha Nabadda, kana dooday xalalka khilaafyada cayiman iyo kala horeysiintooda, oo ergooyinka degmooyinku ay natiijada gorfeyntooda ku soo bandhigeen shirka.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, waxaa ka qeybgalayaashu, isla garteen qodobada soo socda:

  • In la isku raaco qorshaha Nabadda Gobolka Gedo, oo lagu salaynayo natiijada shirka.
  • In la isku raaco Khilaafyada ugu mudan in wax laga qabto sida ugu dhaqsaha badan.
  • In la dardargeliyo dhisidda golayaasha dowladaha hoose ee degmooyinka gobolka Gedo.
  • In laga wada shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa isu socodka degmooyinka gobolka.
  • In la xoojiyo is dhexgalka, wada-noolaashaha iyo kalsoonida shacabka dhexdiisa iyo kan dowladda iyo dadweynaha.

In dib loo soo nooleeyo xeerarkii dhaqanka ee bulshada u dhaxeeyey.

In la dhiso nidaamka garsoorka iyo caddaaladda ee degmoooyinka iyo gobolka Gedo.

In la abuuro mashruucyo lagu dhiirigelinayo is dhexgalka bulshada gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada degmooyinka Gobolka.

  • In kor loo qaado ka qaybgalka Haweeenka ee arrimaha siyaasadda.
  • In la tayeeyo hay’adaha amniga nabadgelyada Gobolka sida Booliiska iyo Asluubta.
  • In la sii wado wada-tashiyada iyo kulamada la xiriira xalinta khilaafyada iyo horumarinta degmooyinka Gobolka.
  • In meel looga soo wada jeesto, loolana dagaalamo kooxda nabad-diidka ah ee Al Shabaab.
  • In dabagal lagu sameeyo Hirgelinta Go’aanada shirka ka soo baxay.

dollow-nabadeyn-1 dollow-nabadeyn-6 dollow-nabadeyn-8 dollow-nabadeyn-3 dollow-nabadeyn-5 dollow-nabadeyn-4 dollow-nabadeyn-9 dollow-nabadeyn-2 dollow-nabadeyn-7

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment