2100 Views

Farmaajo Oo Maanta Kormeeraya Xarumaha Caafimaadka,Waxbarashada iyo Tamarta Ee Garoowe

Farmaajo Oo Maanta Kormeeraya Xarumaha Caafimaadka,Waxbarashada iyo Tamarta Ee Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09 2018 –Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kormeeraya qeybo kamid ah Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Kormeerkiisa ugu horeeya waxa uu ku tagayaa Madaxweynaha, Xarunta Shirkada Garoowe ka dhaqan gelisay Tamarta laga dhaliyo Qoraxda iyo Tamarta laga dhaliyo Dabeysa (Solar and Wind Power).

Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa booqanaya Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe oo ay ku Jiraan Bukaano qaba Xanuunyo Kala duwan, Waxaa Socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo Masuuliyiin Kale.

Madaxweynaha Dalka ayaa Sidoo kale tagaya Jaamacadaha qaar ee ku yaala Magaalada Garoowe si uu ardada ugu jeediyo Khudbad uu kula hadlayo, wuxuuna usharxi doonaa Muhiimada dhalinyarada ay uleeyihiin horumarinta Dalka iyo garab istaaga Dowladda.

Intaasi Kadib Waxa uu Madaxweynaha Somaliya dhagax dhigi doonaa Xarunta Federalka ee Magaalada Garoowe oo dhismeheeda laguda galayo.

Madaxweyne Farmaajo oo Axadii tagay Magaalada Garoowe ayaa gelinka danbe ee maanta soo gabagabeynaya Socdaalka uu ju Joogay Gobolka Nugaal, intii uu Magaalada Joogay waxa uu Xariga ka Jaray Garoonka Cusub ee Garoowe, wuxuuna kulamo la qaatay Isimada Puntland iyo Masuuliyiinta Maamulka.

Farmaajo ayaa inta uusan ugudbin Gobolka Galgaduud waxa uu sii mari doonaa Qaar Kamid ah Gobolada Maamulka Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment