2127 Views

SAWIRO:-Isbadal Ku Yimid Cimilada Oo Saa meen ku yeeshay Qaar ka mid ah Wadamada Caalamka.

SAWIRO:-Isbadal Ku Yimid Cimilada Oo Saa meen ku yeeshay Qaar ka mid ah Wadamada Caalamka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09 2018 –Dhulka lama degaanka Saxaraha Aljeeriya ayaa shalay lagu arkay baraf badan kadib isbedal ku yimid cimilada, dhulkan oo kamid ah deegaanada ugu kulul dunnida ayaan lagu aqoon cimiladan qabowga.

Isbedalka cimilada dunnida ayaa sanadkan cusub laga dareemayaa wadamo badan sida Yurub iyo wadanka Maraykanka oo xiligan ku jira cimilo aad u qabow iyo baraf hakad ku keenay isu socodka magaalooyinka waaweyn ee saaran bariga dalka Maraykanka.

Halka dalka Australia maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayey kuleyl xad dhaaf ah, khubarada cimilada ayaa sheegaya inay tani qeyb ka tahay isbedalka ku imaanaya cimilada guud ahan dunnida.

Waxaana laga cabsi qaba isbedaladan inay saameyn xun ku yeeshaan qeybo kamid ah qaarada Afrika gaar ahaan bariga Afrika iyo dalka Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay ay ka jireen abaaro, waxaana muuqata in sanadihii lasoo dhaafay uu hoos usii dhacayeen roobabka ka da’a wadanka Soomaaliya.

 

3 1 2

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment