2550 Views

Zambia: Somalida oo 35 Gaari ku wareejiyay dowladda

Zambia: Somalida oo 35 Gaari ku wareejiyay dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09 2018 –jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Zambia ayaa 35 Gawaarida waa weyn ah ku wareejiyay Dowladda Zambia kaddib markii dalkaas uu ka dillaacay Cudurka Shubanka.

Maxamuud Maxamed oo ah guddoomiyaha Soomaalida Zambia ayaa u sheegay TV-ga Dowladda in 10 Gaari lagu wareejiyay Gobolka Ndola,halka 25 ka kale lagu wareejiyay dowladda hoose ee Magaalada Lusaka.

Mr Maxamed ayaa sheegay in Soomaalida Zambia ay ka walaacsan yihiin kororka cudurka shubanka ee ay dowladda dagaalka kula jirto,waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in Dowladda u adeegsato Gawaaridaas daabulidda shaqaalaha iyo Dawooyinka.

Gawaarida qaar ayaa mar horeba la bixiyay waxaana lagu wareejiyay dowladda hoose ee Lusaka taas oo shaqaalaha nadaafadda ku wareejisay si ay ugu adeegsadaan daabulidda qashinka iyo wixii la mid ah.

Dowladda iyo guddoomiyayaasha Gobollada qaar ee Gaadiidkaas la geeyay ayaa Soomaalida uga mahadceliyay ka qeybqaadashada la dagaallanka cudurka shubanka ee ka dillaacay dalka Zambia.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment