2850 Views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo la kulmay Michael Keating

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo la kulmay Michael Keating
____________________________________________________________________________

Hargeysa | QOL | January 10, 2018 – Ergeyga Xoghayaha Guud ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta kula kulmay magaalada HargeysaMadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Sacad Cali Shire iyo xubno kale, waxaana kulankan loogaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.

Madaxweynaha dhowaan ku guuleystey doorashada ka dhacday Somaliland Muuse Biixi iyo Danjire Keating ayaa sidoo kale yeeshay kulan ay albaabbadu u xirnaayeen.

Kulankan kadib ayaa waxaa saxaafada faahfaahin ka siiyay waxyaabihii looga hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire isagoo sheegay labada dhinac ugaga hadleen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.

“Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu Hoggaaminayo Ergayga QM ayaa halkan inoogu yimid, waxayna la kulmeen Madaxweyne Biixi, Waxayan uga hadleen kulankooda waxyaabo badan oo la xiriira shaqada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.”ayuu yiri Sacad Cali Shire wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaamay arrimihii ugu muhiimsanaa ee labada dhinac ay ka wadahadleen.

“Waxyaabaha ay ka wadahadleen waxa ka mid ahaa Siyaasadda, Dimuqraaddiyadda, Nabad-galyada, dhaqaalaha iyo Garg-aarka, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, Waxaanan rajaynaynaa in xiriirkii wanaagsanaa ee wadashaqayneed ee aynu la lahayn QM uu halkaas kasii socon doono,” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Booqashada Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Keating uu ku tegey magaalada Hargeysa ayaa ku soo beegantay xiisad ka jirta maamulada Somaliland iyo Puntland.

.sland-meet-keating-2 sland-meet-keating-3 sland-meet-keating-4 sland-meet-keating-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment