2205 Views

Xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Asluubta oo xariga laga jaray

Xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Asluubta oo xariga laga jaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janauru 10, 2018 – Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo xariga looga jaraayay dib u habeyntii Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo in muddo ahba burbursanaa ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Taliska ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo ay si wada jir ah xariga uga wada jareen wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan, xaruntan oo ku taalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay ahayd mid muddo dheer bur bursaneyd waxaana hadda dib u dhis ku sameeyay Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa wasiirka kala qeyb galay saraakiisha Ciidamada Asluubta oo uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Saraakiisha ciidanka, Saraakiil Xigeenada iyo dhamaan howlwadeenada Taliska Ciidanka Asluubta iyo xubno kale.

taliska-asluubta-1 taliska-asluubta-2 taliska-asluubta-3

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment