4308 Views

Wareysi Afhayeenka Wasaarada Amniga

Wareysi Afhayeenka Wasaarada Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2018 – Afhayeenka wasaaradda Amniga C/Casiis Cali Ibraahim ” C/Casiis Xildhibaan” oo sheegay in ciidanka amniga ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan falal amnidarro oo ka dhici lahaa gudaha magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war heyso dhibaatooyinka Al-Shabaab ay u geystaan dadka shacabka ah ee ku nool degaanada ay maamulaan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ay waddo qorshihii ugu dambeeyay ee Al-shabaab loogu saarayo deegaannada ay hadda kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Afhayeenka Wasaarada amniga ee Xukuumada Soomaaliya C/Casiis Cali Ibraahim ” C/Casiis Xildhibaan” oo Warbaahinta kula hadlay taliska Ciidanka booliiska ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Caddaaladda la horgeynayo dadkii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Soobe ka dhacay.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda amniga ee Xukuumadda Soomaaliya C/Casiis Cali Ibraahim ” C/Casiis Xildhibaan”  ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in cid walbo oo wax tabaneyso iney la fariisato.

.

.

.

Xigasho: BANDHIGGA #UNIVERSAL

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment