2496 Views

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Iyo Ilaaladeeda Oo Xabsi La dhigay

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Iyo Ilaaladeeda Oo Xabsi La dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2018 Wararka laga helayo magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobalka Gal-gaduud aya sheegaya in ciidamada Ah-lusunna Waljamaaca ay xabsiga dhigeen ilaalada gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa banan.

sidoo kalana xabsi guri la geliyay Xaliimo Maxamed Ismaaciil Xaliimo {Yareey} oo ah gudoomiyaha gudiga dorashooyinka oo socdaal ku joogta magalada Dhusamareeb ee gobalka Gal-gaduud.

Ciidanka Ahlusuna ayaa la sheegaya in bartamaha magaalada ay ku joojiyeen wefdiga  Xaliimo Yareey isla markaana ay kaxeysteen ilaalada iyaga oo ka qaaday qoryihii ay wateen.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in markii hore laga shakiyay gaadiidka ay wateen wafdiga Xaliima Yarey isla markaana ciidanku ay joojiyeen si loo baaro iyada oo ay diiday gudoomiha gudiga doorashooyinka madax banaan tasina ay sababtay in xabsi guri lageliyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment