2865 Views

Sawirro:- Heshiisyo Aan Cadi Aheyn Oo Dhexmaray Dowladaha Somaliya Iyo Turkiga

Sawirro:- Heshiisyo Aan Cadi Aheyn Oo  Dhexmaray Dowladaha Somaliya Iyo Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2018 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Guleed (Khadar) iyo dhigiisa dalka Turkiga ayaa maanta ku kala saxiixday Magaalada Ankara heshiis ku saabsan iskaashiga Ganacsiga labada dowladood.

Waxaa goobjoog ka ahaa Munaasabada saxiixa heshiiskan masuuliyiin labada dowladood ka kala tirsan.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya in Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia, sidoo kale Turkiga waxay qaadan doonaan oo Suuq u yeeli doonaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo Xoolaha.

Sida uu qorayo heshiiskan Turkiga waxay iibsan doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kalluunka Somalia.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa wafdigiisa waxay ka kooban yihiin 13 xubnood oo ka socda Saddex iyo toban wasaaradood iyo afar wasiir  oo uu ugu horeeyo Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Mahdi Mohammed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo wafdigiisa ayaa waxa ay magaalada Ankara uga qeyb galeen Shirka Iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkey.

sAXIIX-tURKIYA-1 sAXIIX-tURKIYA-4 sAXIIX-tURKIYA-3 sAXIIX-tURKIYA-2

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment