3564 Views

Dhagayso:-Farmaajo Oo Gaaray Gaalkacayo(Sawiro)

Dhagayso:-Farmaajo Oo Gaaray Gaalkacayo(Sawiro)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 13, 2018 – RMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaa garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta ballaaran ee loogu sameeyay Madaxweyne Farmaajo magaalada Gaalkacyo ayaa la mid aheyd soo dhoweyntii loogu sameeyay Garowe, Qardho iyo Boosaaso, halkaasoo kumanaan dadweyne ay waddooyinka iyo fagarayaasha isugu soo baxeen.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa diyaarad ka soo qaaday magaalada Boosaaso, oo horay safar dhinaca dhulka ah ugu tageen.

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka (Hashii Maandeeq), waxaana ay jawaab u aheyd hadiyadihii dhaqan ee lagu guddoonsiiyay Qardho iyo Boosaaso, kaasoo ka mid aheyd Faras.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa ku hoyan doona dhanka Waqooyi ee Maamulka Galmudug, waxaana ay berri uga sii gudbi doonaan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, kadibna waxaa ay aadi doonaan Caabudwaaq iyo Dhuusa Mareeb.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay tan iyo shalay magaalada ka wadeen howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

 

1 2 3 4

 

4 5 6 8

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment