2349 Views

Maamulka Gobalka Oo Ku Dhawaaqay xilliga Uu furmayo Shir Muhiim ah Oo Muqdisho Ka Dhacaya

Maamulka Gobalka Oo Ku Dhawaaqay xilliga Uu furmayo Shir Muhiim ah Oo Muqdisho Ka Dhacaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 13, 2018 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay xilliga la qabanayo shirka Wadatashiga Nabadgelyada iyo Horumarka Muqdisho, kaasoo 7-dii bishan u baaqday arrimo farsamo.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in 28 bishan uu furmi doono shirka wadatashiga, isla markaana sidii loogu tala galay uu u qabsoomi doono.

“Shirkii dib nooga dhacay ee Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, waxaa uu dhici doonaa 28-ka bisha Janaayo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid oo ka hadlayay munaasabada uu xariga ugu jarayay wado loogu magac daray Jen. Kaahiye oo isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye.

Shirka Wadatashiga Nabadgelyada iyo Horumarka Muqdisho ayaa la baajiyay, waxaana baaqashadiisa ka soo baxayeen warar kala duwan sida khilaaf u dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment