1956 Views

Madaxa Xukuumada Galmudug Oo Kulan Layeeshay Gidoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Dalka

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 13, 2018 – Kadib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb xabsi guri ay ka dhigeen Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee dalka Xaliimo Ismaaciil, ayaa maanta kulan raali gelin waxaa ugu tagay madaxa Xukuumadda Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanka ayaa kulan ugu tagay guri Magaalada Dhuusamareeb ay ka degan tahay Xaliimo Yarey.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaladka lagu xiray Gudoomiyaha Guddiga Doorashada madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey).

Waxa uu soo dhaweeyay tallaabada ay ugu gogol xaareyso nidaamka doorasho ee dalka sanadka 2021 ee ah qof iyo cod.

Xaliimo Yarey ayaa aqbashay in looga soo hoyday qaladkii ay ku xanibeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay ku koobeen dhaqdhaqaaqeeda Magaalada Dhuusamareeb iyo inaysan guriga ka bixi karin.

z1 z2 z3

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment