2184 Views

Wiil uu Dhalay Siyaasi Caan ah Oo La sheegay In Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Dalka Suuriya

Wiil uu Dhalay Siyaasi Caan ah  Oo La sheegay In Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Dalka Suuriya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 13, 2018 – Wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa la sheegay in 29-kii bishii December ee sanadkii hore lagu dilay dalka Suuriya.

Wiilkan oo lagu magacaabayay Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ka barbar dagaalamayay Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Sida ay qortay Warbaahinta Goobjoog oo xarunteeda tahay magaalada Muqdisho ayaa soo xigatay Cali Feysal Cali Waraabe oo la dhashay Xuseen.

Lama sheegin goobta rasmiga ah ee lagu dilay iyo dalka fuliyay duqeynta, hase ahaatee Cali Feysal ayaa ku gaabsaday in walaalkiis lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya.

Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ku biiray Daacish sanadkii 2013, waxaana uu ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Daacish.

Waxaa kooxda Daacish looga yaqaanay Abuu Shuceyb As-Somali, waxaa uu heystay dhalashada dalka Finland.

Xuseen ayaa mar isku dayay inuu ku biiro Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, hase ahaatee waxaa laga soo qabtay xuduudka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Kooxda Daacish oo looga sii adkaanayo dagaalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa wajaheysa culeys weyn, iyadoo dhowaan laga saaray meelihii u dambeeyay ee ay gacanta ku hayeen dalka Ciraaq.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment