1857 Views

Ciidamo Ka socdo AMISOM Oo Gaaray Magaalada Dhuusomareeb

Ciidamo Ka socdo AMISOM Oo Gaaray  Magaalada Dhuusomareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ku wajahan yihiin ciidamo ka socdo AMISOM.

Ciidamada ayaa waxay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, oo la filayo inay tagaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Walow aanan la ogeyn dalka ay ka socdaan ciidamada ayaa haddana waxaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusomareeb, kadibna ay xaqiijiyaan amaanka hareeraha magaalada Dhuusomareeb.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo kamid ah masuuliyiinta wada qaban qaabada safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusomareeb ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay yihiin kuwo ka qeyb qaadan doono amaanka magaalada.

“Waa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxay tagaan haraaraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo”ayuu yiri Cabdisamad.

Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa inuu usii gudbaa magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalada Dhuusomareeb.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment