2715 Views

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweynaha Dalka Oo Gaaray Qayba Kamidah Maamulka Galmudug

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweynaha Dalka Oo Gaaray Qayba Kamidah Maamulka Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 –Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Wasiiro, iyo Xildhibaano iyo dadweyne faro badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho uu ku joogay maalmihii la soo dhaafay dowlad goboleedka Puntland uu soo gabagabeeyay waxaana booqasho uga bilaabatay maanta deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda booqdaan magaalooyin ka tirsan Galmudug.

Ammaanka guud ahaan maamul goboleedka Galmudug ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo inta badan magaalooyinka Galmudug.

b1 b2 b3

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment