2610 Views

Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Deegaanka Lamu

Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Deegaanka Lamu
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 – Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa ka hadlay weerar ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Mandheera iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerareen kolonyo ay la socdeen ciidamadooda oo halkaasi marayay.

Mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Kenya.

Mwenda Njoka, afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegay in dabley hubeysan oo watay qoryo culus inay ka dambeeyeen weerarka.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay halkaasi ka wadaan baaritaano iyo ka hortagista weeraro kale oo Al Shabaab ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraray ciidamada Kenya oo ku safray gobolka Waqooyi bari Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment