1998 Views

Farmaajo Oo La Kulmaya Bulshada Gobolka Mudug

Farmaajo Oo La Kulmaya Bulshada Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu waddaa in uu furo kulamo dib u heshiisiin ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

Waxaa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamaddaasi ayaa ka dhaci doonta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa u bilowday Safarka uu ku tagaayo degaanada Galmudug, waxaana lagu waddaa in uu berri gaaro Magaalada Cadaado.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment