1863 Views

Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Imaam Masaajid Oo Fekirka Al-shabaab Ku Fidinayay Dalkaasi.

Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Imaam Masaajid Oo Fekirka Al-shabaab Ku Fidinayay Dalkaasi.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 –Booliska dalka Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay imaam si weyn looga yaqaano waqooyiga dalkaasi Kenya gaar ahaan gobolka Marsabit County waxana ay ku eedenayaan inuu askareeyo dhalinyarada barana fikirka xagjirnimo.

Taliyaha Booliska  gobolka Phillip Tuimur ayaa sheegay in Imaam Guyo Gorsa lagu soo qabtay howlgal ka dhacay gobolka Marsabit subaxnimadii sabtida.

Taliyaha waxa uu shaaca ka qaday inay askareeyay dhowr dhalinyaro oo uu ku tilmaamay inay dhawaan kubiri rabeen Al-shabaab ayna gacanta ku dhigeen.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay in dhalinta lasoo qabtay oo kasoo muuqday maxkamad ku taala Nairobi ay cadeeyen in Imaamkaasi uu ahaa qofka ku xiri jiray Al-shabab ayna magaciisa ka hor sheegen maxkamada.

Foodo ayaa ka dhacday gobolka Marsabit kadib markii koox Al-shabab ah oo u badan ardeyda imaamka ay dab qabadsiiyeen kaniisad maxali ah ayna booben hantidii tiilay kadib markii lasoo xiray Imaamkaasi.

Tiro dad ah ayaa ku dhawacmay foodadaasi kadib markii saraakiisha Kenya ay isku dhaceen dagaalamayaal Al-shabab ka tirsan.

3sano kahor ayaa sidaan oo kale loo qabtay wadaadkaan oo Al-shabab lagu tuhunsanaa balse gor dambe ayaa lasii daayay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment