2508 Views

Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho

Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 – Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhaawacantay kaddib markii saaka uu Qarax ka dhacay Xaafadda Haanta dheer ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa dhacay kaddib markii Gaari ay la socdeen uu dul maray miino Waddada lagu aasay,goobjoogayaal ayaa u sheegay Shabakada Qaranimo  in ay arkeen dhaawac saddexda Askari.

Ma jiro khasaare kale oo la soo wariyay in uu ka dhashay Qarax ka dhacay Waddada isku xirta Ex-Koontarool iyo Haanta Dheer,waddada aadda dhinaca Warshadaha.

Gaariga Miinada haleeshay ayaa lagu sheegay in uu ahaa nooca Cabdi Bilaha ee ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya adeegsadaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment