2034 Views

R.Wasaarah Dalka Oo Switzerland uga Qeyb Galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka

R.Wasaarah Dalka Oo Switzerland uga Qeyb Galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono dalka Switzerland.

Shirka oo ay ka qeyb gali doonaan hogaamiyaal ka kala socda wadamada Caalamka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay ku jirto, wuxuuna furmayaa bishan Janaayo gudaheeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka mid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa, waxaana la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.

Shirkan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama ay ku jiraan wadamo yar oo Africa ka tirsan, kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu maanta la kulmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya,isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha Wasaaradda.

Wuxuu kula dardaarmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay sii kordhiyaan dadaalkoodi ku aadan sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dhaqaalaha Dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment