1980 Views

Amiir u Dhashay Qadar Oo Sheegay in uu xabsi ugu jiro Imaaraadka

Amiir u Dhashay Qadar Oo Sheegay in uu xabsi ugu jiro Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2018 –Amiir u dhashay Dalka Qadar ayaa sheegay in uu Maxbuus ku yahay magaalada Abuu Dubai ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta una xiranyahay dhaxalsugaha Imaaraadka Maxamed Bimn Salmaan Al-Nahyaan oo uu marti u ahaa markii hore.

Muuqaal uu soo geliyay baraha buslahada ayuu ku sheegay in markii hore marti qaad ku tagay Abuu Dubai hayeeshee hadda uu xabsi ku jiro islamarkaana haddii ay isaga wax gaaraan wax laga weydiinayo dhaxal sugaha Imaaraadka.

“Hadda waxaan ku suganahay abuu dubai,waxaan marti u ahaa dhaxalsuge Maxamed,laakiin waxbadan marti ma sii ahaan doono,waxaan ahay maxbuus u xiran dowladda Imaaraadka”,waxaa uu sheegay in uu xariggan ku muteystay aragtidiisa go’doominta dalkiisa ee ay saareen Waddamada Khaliijka.

Sheekh Cabdalla Bin Al thaani ayaa sheegay in dadka dalkiisa ay yihiin dhibbaneyaal ay Carabta go’doomisay,waxaana uu aad ugu calaacalay in arrintaas ay tahay shey xun.

Bishii September kulan Wasiirrada arrimaha dibadda Carabta ku yeesheen Qaahira ayaa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Qadar waxaa uu kulankaas ka sheegay in waddamada go’doomiyay dalkiisa ay doonayaan in ay beddelaan Amiirka Qadar kuna beddelaan Sheekh Cabdalla Bin Al-Thaani oo Abu Dubai ku sugan.

Sheekh Cabdalla waxaa uu ahaa wiilka Amiirkii hore ee Dalka Qadar  Sheekh Cali bin Cabdalla Al-Thani sanadihii lixdameeyadii.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment