1668 Views

Dhagayso:-Maamulka Hirshabeelle Oo Guddi u Saaray amni Daro Ka jirta wadooyinka Maamulkaasi

Dhagayso:-Maamulka Hirshabeelle Oo Guddi u Saaray amni Daro Ka jirta wadooyinka Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2018 –Waxaa maalmahan dambe ay amni daro ka jirtaa wadooyinka soo gala degaanada Hirshabeelle, gaar ahaan wadooyinka xiriiriya Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, iyada oo ay ka dhacaan weeraro.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa waxa ay Guddi u saareen amni darada ka jirta wadooyinka Hirshabeelle, in ay qiimeyn ku soo sameeyaan.

Khaliif Muumin Tooxow oo ka tirsan  Baarlamaanka Hirshabeelle oo la hadlay Qaranimo Online  ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay shacabka Hirshabeelle in ay ku noolaadaan nabad iyo si xoriyad ah.

Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta wadooyinka degaanada Hirshabeelle gaar ahaan wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment