1734 Views

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Oo Ku Gacan sayray Qorshaha Trump

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Oo Ku Gacan sayray Qorshaha Trump
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2018 –Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka arinsanayay sida ay uga fal celinayaan go’aanka Maraykanku ugu soo rarayo safaaradiisa magaalada Qudus, ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Trump.

Cabbaas ayaa ku tilmaamay talaabadaa weji gabaxii qarniga, taas oo uu ugu dacal dhabayey tilmaantii uu Trump ku sheegay qorshaha nabada Bariga Dhexe ee Maraykanku wadaa inuu noqon doono heshiiskii qarniga.

Cabbaas ayaa sidoo kale sheegay in Falastiiniyiintu aanay ka qayb geli doonin qorshahaa mar hadii Trump si cad Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment