2403 Views

Xaalada Degaanka Ceelka Geelow Oo Saakay Degan,Kadib Dagaal ka Dhacay

Xaalada Degaanka Ceelka Geelow Oo Saakay Degan,Kadib Dagaal ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2018 –Waxaa saakay Degan Xaalada Degaanka Ceelka geelow ee gobalka Shabeelaha Dhexe,kadib markii ay ku dagaalameen Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya.

Dadka  degaanka oo la hadlay Shabakada Qaranimo   ayaa waxaa ay sheegeen in saakay xaaladu ay degantahay,islamarkaana mararka qaar ay ka cabsi qabaan In markale  Shabaab iyo Ciidamada Militiriga ay ku dgaaalamaan degaankaasi.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan gobalka Shabelaha Dhexe ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka Saar I doonaan Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe.

Maalmo ka hor ayay aheyd Markii Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya oo ku sugnaa Degaanka Hanshiiq ee gobalka Shabeelaha,iyadoona Dagaalkaasi uu khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa sii kordhiyay Weerarada tooska ah oo ay ku qaadayaan Askarta ka tirsan Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment