2043 Views

Ciidamada Booliska Oo Soo Bandhigay Dhallinyaro Habeenkii Dadka Dhici jiray

Ciidamada Booliska Oo Soo Bandhigay Dhallinyaro Habeenkii Dadka Dhici jiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 January, 2018 –Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Koox Burcad ah, kuwaa soo dhibaato weyn ku hayay Bulshadda kunool Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag.

Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u soo bandhigau 4 wiil oo lagu eedeeyay in ay Habeenkii dadka taleefannada ka qaadan jireen.

Raggan waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Mobeylo fara badan,Mooto Bajaaj iyo Baskoolad ay dadka ku jandadi jireen xilliga ay dadka dhacayaan.

Waxaa uu sheegay Qaasim in raggaan ay dhibaato ku hayay Shacabka kunool Magaalada Muqdisho, islamarkaana sharciga la marsiin doono.

Habeenadii lasoo dhaafay degmooyinka Howlwadaag iyo Wartanabadda , waxaa kusoo batay koox burcad ah oo dhibaato u geysanayay bulshadda kunool degmooyinkaas

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Cadaado 

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment