2208 Views

Dibadbaxayaal Trump Ku Tilmaamay Cunsuri.

Dibadbaxayaal Trump Ku Tilmaamay Cunsuri.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 January, 2018 –Dibadbaxyo dhowr ah ayaa ka dhacay magaalooyiinka Mareykanka taasi oo looga soo horjeedo hadalo Gef ah oo ka dhan ah Haiti, El Salvador iyo wadamada qaarada African oo la sheegay in uu jeediyay madaxwayne Trump.

Dibadbaxyadani ayaa magaalooyiinka ay ka dhaceen waxaa ka mid ah New York, Los Angeles iyo West Palm Beach.

Dibadbaxayaasha magaalooyiinka New York, Los Angeles iyo West Palm Beach ayaa ku eedeeyay Mr Trump cunsurinima.

Ururka midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay madaxwayne Trump in raalligalin uu ka bixiyo hadalka la sheegay in uu ka soo yeeray.

Dowladda Nigeria ayaa dhankeeda u yeertay safiirka Mareykanka si uu sharraxaad uga bixiyo hadaladda Trump.

MadaxwayneTrump ayaa beeniyay in uu isticmaalay hadalo gef ah mar aqalka uu ka socday wadaxaajood ku saabsan socdaalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Cadaado 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment