1797 Views

Farmaajo Oo Maanta La Kulmaya waxgaradka M/Cadaado.

Farmaajo Oo Maanta La Kulmaya waxgaradka M/Cadaado.
____________________________________________________________________________

Cadaado | QOL | 16 January, 2018 –Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada xili madaxweynaha xalay maqribkii uu soo gaaray Magaalada Cadaado ee xunta ku meel gaar ah maamulka Galmudug.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay cadaado ayaa maanta la kulmi doono Siyaasiyiinta, waxgaradka,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada wuxuuna kala hadli doonaa xaalada guud ee ka jirta deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug, sidoo kale madaxweynaha ayaa xalay kulan  hor dhac ah la qaatay  waxgaradka magaalada Cadaao.

Madaxweynaha ayaa maalmahaan danbe wuxuu ku guda jiray socdaalka nabada uu ku maraayo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka kaas uu ugu kuur galaayo xaalada guud ee dalka ka jirta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Cadaado 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment