2133 Views

Marykanka Oo Lagu Eedeeyey In Uu Faraha Kula Jiro Arimo Qatar Ku ah Dunida Caalamka

Marykanka Oo Lagu Eedeeyey In Uu Faraha Kula Jiro Arimo Qatar Ku ah Dunida Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 16 January, 2018 –Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka hor-yimid qorshe Mareykanka ku dhisayo ciidamo gaaraya 30-kun oo askari oo ka tirsan Kurdiyiinta, si ay u sugaan amniga xuduuda Suuriya iyo Turkiga.

Erdogan ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid argagixiso oo la doonayo in qalalaase loogu abuuro amniga dalkiisa.

Waxaa uu wacad ku maray inuu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu tababarayo ciidamo Kurdiyiin ah oo ka mid ah xooggaga uu taageero Mareykanka ee ku sugan Suuriya.

Jabhadda Kurdiyiinta ee SDF ayaa ka mid ah xooggaga uu taageero Mareykanka oo dagaal kula jira Kooxda Daacish.

Turkiga ayaa u arka jabhadan inay xiriir la sameysan karaan Kooxda kale ee Kurdiyiinta PKK oo dagaal kula jirta dowladda Turkiga.

Isbaheysiga Mareykanka ayaa wada dadaalo uu ku tababarayo ciidamada Kurdiyiinta oo ka dagaalamaya gudaha Suuriya, kuwaasoo horay dhowr deegaan uga qabsaday Kooxda Daacish.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Cadaado 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment