2310 Views

Axmed Madoobe Oo Baajiyay Safar uu Ku Tagi lahaa Dhuusa-mareeb

Axmed Madoobe Oo Baajiyay Safar uu Ku Tagi lahaa Dhuusa-mareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay inuu ka baaqanayo ka qeyb galka shirka lagu mideynayo maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ee ka dhacaya magaalada Dhuusa-mareeb, kadib qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Wuxuu sheegay sababta uu ku baaqanayo in ay tahay shaqooyin muhiim u ah Maamulkiisa Jubaland oo uu ka qabanayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madooobe ayaa sidoo kale waxyaabaha baajiyay safarka uu ku tagi lahaa Magaalada Dhuusa-mareeb, waxa uu ku sheegay iney qeyb ka tahay safarro uu ku soo kala bixinayo qeybo ka mid ah degaanada uu ka arimiyo maamulkiisa ee kala ah Gobolada Jubada Hooe iyo Gesdo

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland inuu soo dhaweynayo Heshiiska lagu mideynayo labada maamul, isagoo tilmaamay inuu yahay mid dhabaha u xaarayo daganaan Siyaasadeed iyo Hormar Gobolka oo sii socdo.

Sida uu qorshaha yahay magaalada Dhuusa-mareeb waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco shirweyne lagu dhameystirayo heshiiskii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusunam.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud, si uu uga qeyb galo heshiiska dhameystirka ah.

Bishii December ee sanadkii tagay 2017 magaalada Muqdisho waxaa heshiis ku kala saxiiday Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment