2301 Views

Itoobiya iyo Somaliland Oo Ka Wada hadlay Arrimo Dhowr ah

Itoobiya iyo Somaliland Oo Ka Wada hadlay Arrimo Dhowr ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay waxa ay kulan gaar ah ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Saraakiil ka qeyb gashay kulanka ayaa sheegay kulanka in diirada lagu saaray dhinacyada Ammaanka, Ganacsiga Berbera iyo xoojinta xiriirka ka wada dhexeeya labada dhinac, iyo sidii Itoobiya ay xiriir cusub ula yeelan laheyd Madaxweynaha cusub ee Maamulka Soomaaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in waxyaabaha uu kala hadlay Hailemariam Desalegn ay ka mid ahaayeen sidii ay labada dhinac u adkeyn lahaayeen amniga Degaanada ay wadaagaan, isku socodka ganacsiga iyo arrimo kale oo labada dhan muhiim u ah.

Waxaan ka wada hadalnay Amniga, waxaan aaminsanahay in Amniga Soomaaliland uu lamid yahay kan Itoobiya, kan Itoobiyana uu yahay sidaas oo kale, waxaan ka soo isla meel dhignay arrinta Berbera iyo sidii ay ugu sii socon laheyd labada dhinac sidii aan ugu guuleysano” Ayuu yiri Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa shalay oo ay taariikhdu tahay 16/01/2018 safar shaqo oo qaadan doona maalmo kooban ugu amba-baxay dalka Itoobiya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment