2403 Views

kacdoonka Dhallinyarada Tunisia: “na dil ama na shaqaaleysii”

kacdoonka Dhallinyarada Tunisia: “na dil ama na shaqaaleysii”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Dalka Tunisia waxaa uu mar kale faraha la gelayaa kacdoon ka billowday dhallinyaro oo u waji eg kii 2011kii ka billowday dalkaas ee loogu magaca daray Gugii Carabta.

Dhallinyarada reer Tunisia ayaa hadda dibadbaxyo joogto ah ka dhiga waddooyinka waa weyn ee Magaalooyinka dalkaas,waxaa ay maalinle isugu dhacaan Booliska waxaana ka dhashaya khasaare naf iyo maalba leh.

Arrintan waxaa ay ka dhalatay markii uu sare u kacay raashinka la quuto ee dalkaas,iyada oo dadka danta yar ay dibadbax billaabeen,waxaana kaddib dowladda sheegtay in ay heyso qorshe ay ku kabeyso qoysaska dakhliga yar.

Hayeeshee go’aanka dowladda uma cuntamin dhallinyarada shaqo la’aanta ah ee Dalka Tunisia,waxaana hadda socda dibadbaxyo ay dhallinyarada ku dalbanayaan shaqo abuur.

Montasser Khedher,waa 24 jir, ma hayo shaqo,waxaana uu ka mid yahay dhallinyarada maalinkasta taagan waddooyinka Tunis ee banaanbaxayada ka qey geleya.

In ka badan 200,000, oo Dhallinyaro shaqo la’aan ah ayaa dibadbaxyo ka dhiga Magaalada Caasimadda ah ee Tunis maalinkasta,waxaa ay hal heys ka dhigteen “Na dil ama na shaqaaleysii”, oo ay dowladda uga dalbanayaan shaqo.

Maha Kasdaoui,waa agaasimaha hay’ad urur Dhallinyaro oo Hooyada iyo dhallaanka caawisa,waxaa uu sheegayaa in dhallinyarada Tunisia ay hadda ku jiraan waqtigii Zeynal Caabiddiinkii kacdoonka lagu riday 2011kii oo kale.

Waxaa uu sheegayaa in dhallinyarada  Tunisia aysan 30% shaqo la’aanyihiin,halka dadka guud ahaan Tunisia ay shaqo la’aanta ka tahay 15%,taas oo uu sheegay in dad badan ay nolosha ku adkeysay.

Mohamed Iqbel Ben Rejeb waxaa uu madax u yahay Urur u ololeeya dhallinyarada Tunisia ee ku biira kooxa argagixisada ah,waxaana ay ku dadaalaan sidii dhallinyarada Tunisia ee ku biiray  kooxaha argagixisada dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.

Waxaa uu sheegay in 27,500 oo dhallinyaro Tunisian ah ay isku dayeen in ay ku biiraan  Kooxaha Argagixisada sida Daacish tan iyo March 2013kii.

3,000 oo ka mid ah ayey u suuragashay in ay ku biiraan Daacish,halka 900 oo kale dib loogu celiyay Dalka Tunisia haddana ku jiraan gacanta dowladda iyaga oo dhaqan celin ku jira.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment