2010 Views

Qallaafow oo xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Beledweyne

Qallaafow oo xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Maxamed Cismaan Qallaafoow ayaa dib loogu magacaabay xilka Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,waxaana uu xilkaas kala wareegay Aadan Xeeyfow oo xilkan hayay bilihii ugu dambeeyay.

Qallaafoow horay waxaa uu u ahaa Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,waxaana uu mar kale dib u noqday Guddoomiyaha Magaalada.

Munaasibadda ay xilka ku kala wareegayeen Aadan Xeeyfow iyo Cismaan Qallaafoow ayaa maanta ka dhacday Magaalada Belebweyne,iyada oo ay ka qeyb galeen Maamulka Gobolka Hiiraan

Qallaafoow ayaa xilka Guddoomiyaha Beledweyne waxaa 9kii Bishii January 2017kii ka qaaday Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment