2208 Views

Somaliland Oo Lagu eedeysay in ay taageerto Al-Shabaab

Somaliland Oo Lagu  eedeysay in ay taageerto Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa weli u muuqda in ay sii wadaan oo ay garbaha ka galayaan xiisada colaadeed ee ka taagan degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool.

Markale ayay hanjabaado hawada isku mariyeen, Puntland waxaa u hadlay Wasiirka Warfaainta Cabdi Cali Qarjab, halka Somaliland uu u hadlay Wasiirka Biyaha Somaliland Saleymaan Cali Koore.

Hadii aynu ku hormarno Puntland Wasiirka Warfaafinta wuxuu sheegay Puntland inuu dulqaadka ka dhamaaday, wixii hada ka dambeeyana ay iska difaaceyso cid alaala cidi ku soo xad gudubta dhulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland in Somaliland ay taageerto ururada Al-shabaab iyo Daacish, wuxuuna tilmaamay midaasi in aysan aheyn wax wanaagsan.

Saleymaan Cali Koore Wasiirka Biyaha Somaliland ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cidii ku soo xad gudubta qaranimadeeda, isaga oo sidoo kale tilmaamay mar walba in ay muhiim tahay nabadda.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo dhowaan ka hadlay xiisada Tukaraq ayaa ku dhawaaqay in la wada hadlo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment