2001 Views

Wasaaradda Amniga Oo Digniin Adag u Didratay Warbaahinta Madax Banaan Ee Dalka

Wasaaradda Amniga Oo  Digniin Adag u Didratay  Warbaahinta Madax Banaan Ee Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Warbaahinta madaxa banana uga digtay iney faafiyaan Wararka Al-Shabaab barahooda Internet-ka ay ku qoraan.

Wasaaraddu ayaa sidoo kale sheegtay in Warbaahinta looga baahan yahay iney aad isaga fiiriyaan wararka ay baahinayaan loona baahan yahay in mar walbo ay la soo xiriiraan Wasaaradda amniga.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay qalad tahay in si toos loo baahiyo wararka Al-Shabaab oo uu sheegay in qaarkood ay suura gal tahay in ay been abuur yihiin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay Wasaaraddu diyaar u tahay in Warbaahinta ay kala shaqeyso xaqiijinta wararka qaar oo ay baahinayaan.

Qaar ka mid ah Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa baahiyay codka Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlaayay khilaafka u dhaxeeyay Abuu Mansuur iyo Shabaab, iyo sababihii keenay isku dhacooda.

Dhanka kale C/casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan) Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment