2763 Views

Guuto ka tirsan Ciidanka Ahlusuna oo lagu wareejiyay ciidanka Xoogga Dalka

Guuto ka tirsan Ciidanka Ahlusuna oo lagu wareejiyay ciidanka Xoogga Dalka
____________________________________________________________________________

Dhuusamareeb | QOL | January 18, 2018 – Kulamo uu la qaatay madaxda kala duwan ee maamulka Galmudug iyo Ahlusuna oo midoobay aayaa madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wareejiyay Guuto ka tirsan Ciidamada Ahlusuna ee Gobolada Dhexe, kuwaasoo ka mid noqonaya Ciidamada dowladda Federaalka.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Ahlusuna ay heshiis la gaartay Galmudug, isla markaana ka mid noqotay Maamul goboleedka Galmudug.

Munaasabad ciidamada loogu wareejinayay dowladda Federaalka ayaa waxaa ka hadlay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo horay u ahaa Hoggaamiyaha Ahlusuna ee Gobolada Dhexe, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in ciidamada ku wareejiyaan dowladda Federaalka.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Ciidamadan ay yihiin kuwo ka dhowrsan waxyaabaha mukhaadaraadka, isagoo kula dar daarmay Shabaab inay ka saaraan deegaanada gobolada dhexe.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in soo dhoweynayaan ciidamadan lagu wareejiyay dolwadda Soomaaliya, isla markaana loo bixin doono magac cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo gabagabadii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay farxad u tahay in ciidankan lagu wareejiyay dowladda Federaalka, isla markaana ah ciidan dalkooda, dadkooda iyo diintooda difaacay.

Waxaa uu ku ammaanay in ciidamadan ay ka difaaceen Gobolada Dhexe Al-Shabaab, isla markaana ay ku abaal marinayaan inay ka mid noqdaan Ciidamada dowladda Federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

Ma ahan markii u horeysay ee dowladda Federaalka lagu wareejiyay ciidamo, sanadkii 2014 ayay aheyd markii ciidamo ka tirsanaa kuwa Ahlusuna lagu wareejiyay dowladda, xilligaasoo dowladda u magacawday Gobolka Galgaduud Maamul cusub, hase ahatee khilaafaad ka dhashay dhismihii maamulka Galmudug ayay Ahlusuna mar kale gaar noqdeen, isla markaana dib u qabsadeen Guriceel iyo Dhuusamareeb.

farmaajo-dhusamareeb-2 farmaajo-dhusamareeb-1 farmaajo-dhusamareeb-3

.farmaajo-dhusamareeb-6 farmaajo-dhusamareeb-5 farmaajo-dhusamareeb-4

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment