2301 Views

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Mideynta Galmudug

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Mideynta Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho b | QOL | January 19, 2018 – Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Dowladaha Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda iyo Britain ayaa hambalyo isku mida u diray dhammaystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, 18-kii bishan.

Daneeyayaashaa Caalamka ayaa sidoo kale bogaadiyay tallaabadii ay horay u qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxa xukuumadda ee maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyagoo soo dhaweeyay dedaalkii ay ku bixiyeen ka mira dhalinta mideynta labada maamul.

“Waxaan soo dhaweyneynaa heshiiskii mideynta 18-kii bishan Dhuusa-mareeb ay ku gaareen Galmudug iyo Ahlusuna, maanta waa maalin reer Galmudug ay ka baxayaan kala qeybsanaanta iyo colaadaha ka jirta gobolladan, waa guul u soo hoyatay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Beesha Calaamka.

Madaxweyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxmed C/laahi (Farmaajo), Madaxda Maamul Goboleedyadii ka soo qayb galay munaasabaddii mideynta labada maamul iyo matalayaasha beesha Caalamka ee ka qayb galay xafladdaasi ayaa dhammaan dhinacyada kula dardaarmay inay adkeeyaan heshiiska lana shaqayaan dowladda dhexe.

Xubnaha Beesha Caalamka ee shalay ka qeyb galay Munaasabadii Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka mid ahaa Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Keating, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment