2019 Views

C/Raxamaan Cabdishakuur oo ku baaqay dib u heshiisiin Qaran

C/Raxamaan Cabdishakuur oo ku baaqay dib u heshiisiin Qaran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 19, 2018 – C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa tallaabo wanagsan Ku tilmaamay hirgelinta heshiiska isku biiritaanka Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo maanta ka dhacay  magaalada Dhuusomareeb ee hadda xarun u ah Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Siyaasigan oo si weyn u mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Ku baaqay in la daweeyo beelaha tabashada qaba oo ay ka mid tahay beesha reer Xaaji Saleebaan.

“Waxaan si wayn u soo dhowaynayaa hirgelinta hehiiska isku biiritaanka maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamacah. Waxaan ku baaqaya in la daaweeyo beelaha tabashada qaba si loo xoojiyo wadajirka iyo midnimada Galmudug” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Soomaaliya nugushahay loona baahan yahay isku tanaaasul, is oggol, is qancin iyo isla guddoon.

“Dalkeenu weli waa nugul yahay, wuxuu u baahan yahay dib u heshiisiin ku dhisan isku tanaasul, is qancin, is ogol, iyo isla gudoon” ayuu ku yiri qaraal soo dhigay Facebookiisa.

Maamulka Galmudug ayaa wixii hada ka bilowda ku shaqeyn doona Caasimaddiisa Dhuusamareeb, kaddib heshiis ay la galeen Ahlusuna oo muddo maamuleysay, waxaana taasi ay soo afjareysa muddo labo sano iyo bar oo Cadaado u aheyd xarun KMG ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment