2175 Views

Micheal Keating oo ku baaqay in la xaliyo tabashada laga qabo Shirkii Dhuusa-Mareeb.

Micheal Keating oo ku baaqay in la xaliyo tabashada laga qabo Shirkii Dhuusa-Mareeb.
____________________________________________________________________________

Muqdisho b | QOL | January 19, 2018 – Ergeyga  Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ka qeyb galay shirweynihii Dhuusa-mareeb ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo mideyntii Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Keating ayaa bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxweynihii hore ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo hada noqday Madaxa Xukuumada Galmudug.

Mr. Micheal Keating ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degaanada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

“Arrintan waa mid bilow wanaagsan ah, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado, Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.” Ayuu yiri Keating.

Sidoo kale Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay Qaramada Midoobay in ay soo dhaweyneyso heshiiskan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay si dhow ula shaqeyn doonto maamulka Galmudug.

Xubnaha beesha Caalamka ee shalay ka qeyb galay Munaasabadii Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka mid ahaa Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Keating, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment