1905 Views

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday Guddoomiye Taabid

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday Guddoomiye Taabid
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digreeto goor dhow uu soo saaray waxaa uu xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Xilka qaadista ayaa ka dambeysay saacado kaddib, markii xalay Golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen inay u doorteen Taabid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa muddo 10 bilood soo hayay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana xil ka qaadistiisa ku soo aaday, iyadoo khilaaf ka taagan maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment