1845 Views

Faahfaahin Dad ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin Dad ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 –nta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qarax miino oo saaka ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr oo hadda ay degan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ka qaraxday goob qashin yaalay oo aan sidaasi uga fogeyn xarunta Jaamacadii Gaheyr.

Labada ruux ee geeriyootay oo mid ka mid ah haweenay ay tahay, ayaa xilliga qaraxa uu dhacaayay waxa ay marayeen goobta sidaasi ayeeyna qaraxa ugu geeriyoodeen.

Ciidamada Booliska ayaa tagay goobta qaraxa uu ka dhacay, oo Baaritaan ay ka sameeyeen.

Maydka labada ruux ee shacabka oo halkaasi laga qaaday, ayaa waxaa la geeyay Xarunta Dambi barista Ciidanka Booliska Somaliyed ee CID.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment